Monday, March 24, 2014

Sheekh Maxamed Umal oo si Balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Qabri-Bayax

(Qabribayax) 23-03-2014 Waxa Magaalada Qabribayax ee katirsan Gobolka Faafan loogu soo dhaweeyey si heer sare ah wafti balaadhan oo u badnaa Culimo oo uu horkacayey Sheekha Caanka ka ah dhulka ay dagto Somalidu waa (Sheekh Maxamed Cabdi Umal) oo socdaal dacwad ah ku joogay magaalada Jigjiga ayaa galabta si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Qabri-Bayax  waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Culimada ,Ducaada ,Waxgaradka , Dhalinyarta iyo dadweyne aad u tiro badan.





Soo dhawaynta Sheekha kadib markii lagu casuumay Qado sharaf waxa uu Sheekh Maxamed Cabdi Umal salaadii casar ka dib waxa uu Muxaadaro dhinacyo badan taabanaysa kajeediyey Masjidka Jaamica magaalada  Qabri-Bayax, Waxaana Muxaadaradaa kasoo qaybgalay oo soo camiray dadweyne aad u tiro badan oo u badan dhalinyaro iyo odayaalba.
Waftiga Culimada ah ee uu hormuudka u ahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo wafdi culuma ah oo ka soo raacay magaalada Jigjiga ayaa waxa ay dadweynaha iyo culumada kasoo jeeda Degmada Qabri-bayax uga hortageen oo ku soo dhaweyeen Sheekha meel u jirta 10 km magaalada  Qabri-Bayax dhanka Waqooyi.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu muxaadaradiisaa uga hadlay uuna aad u bal balaadhiyey Fadliga Imaanku leeyahay iyo qeybahiisa  kala duwan wuxuuna sheekhu ugu danbeyntii salaadii maqrib ka dib ka jawaabay Su,aalo kala duwan oo ay halkaa ku waydiiyeen dadwyanihii kasoo qayb galay.
 Marwalba lasoco waribxino iyo Maqaalo tifaftiran oo run ahaantii idin soo jiidan doona.
https://www.youtube.com/user/Qabribayaxnewstimes
https://www.facebook.com/Kebribayah.development.Community

Thursday, March 20, 2014

Faalo Safarkii Madaxweyne Abdi Mahamoud Omer ee uu Kutagay Gobolada Faafan iyo Jarar


(Qabribayax) 20-Mar-2014 Socdaalkii Madaxweynaha uu ku soo kala bixiyey deegaamo hoos yimaada Gobolka Faafan iyo Jarar oo ay ugu Muhiim sanaayeen Magaalooyinka, Qabribayax, Araarso, Cobale, iyo Dhagaxbuur oo kamdi noqday Safaradii Taariikhiga ahaa ee uu Madaweyne Abdi Mahamoud Omer kusoo maro Baryihii ugu danbeysay.


Safarkaas oo marka uu soo marayey si aad ah loogu soo dhawaynayay, dadwaynuhuna ay tubnaayeen dhinacyada wadooyinka, halkaas oo marka uu soo dago madaxweynuhu uu ciyaalkana u qaybinayey Buskud, Nacnac iyo waxay ku farxaan, sidoo kale uu dumarka iyo haweenkana waraysanayey lana sheekaysanayey sida kamuuqata sawirada, Markii ugu danbaysayna ku soo dheelmaday Magaalada Qabribayax oo run ahaantii ah Dhacdo Taariikhi ah oo ayna horey u dhicin in Madaxweyne Maamulaya DDSI abid uu habeen ku dhaxo magaalada Qabribayax iyada oo ay dhul ahaana isku dhawyihiin Caasimada Dawlad Deegaanka Itoobiya ee Jigjiga, Runtii arintan oo ay aad usoo dhaweeyeen uguna Riyaaqeen dadwaynaha ku dhaqan deegaanka hoos yimaada Qabribayax iyo kuwa kasoo jeeda ee ku dhaqan Daafaha aduunkaba waxayna muujinaysaa in Madaxweynuhu uu cadeeyey dareenka wadanimo iyo mid maamulba ee uu u hayo deegaanka uu Madaxweynaha u yahay.

Booqashadan ayaa imanaysa iyada oo baryihii ugu danbeeyey dad badan oo u xidh xidhnaa arimo badan oo badankooda laga xidh xidhay Magaalada qabribayax ooda laga soo qaaday iyada oo ay u danbeysay 8 dii oday ee uu kamid ahaa Abdilahi African ee dhawaan laga soo daayey jeelka magaalada Jigjiga.


Hadaba, isku soo wada duuboo Dhacdadan ayaa noqonaysa midii ugu horeysay ee dadweynaha reer Qabribayax ay kala Kulmaan Madaxweyne kamdi ah Madaxweynayaasha soo maray deegaanka in uu maamuus intaa leeg siiyo deegaanka uu dhalasha ahaan ay dagaan abtiyaashii.



Marwalba lasoco waribxino iyo Maqaalo tifaftiran oo run ahaantii idin soo jiidan doona.

Tuesday, March 18, 2014

Waftigii Maxadwaynaha DDSI uu Hogaaminayey oo Xalay seexday Magaalada Qabribayax



 

Qabribayax (QBNT) 17-Mar-2014 Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay Masuuliyiin Heer Deegaan ah ay wahelinayaan  ayaa Xalay ilaa Saaka ku sugnaa Magaalada Qabribayax, iyaga oo kayimid dhankaa iyo Gobolka Jarar iyo Magaala madaxdiisa ee Qabridahare, Socdaalkan oo ahaa mid hawleed oo ay ku tegeen waftiga balaadhan halkaa iyadoona ay Halkaa Qaybaha Shacabka iyo Maamulada Heer Gobol, Magaalo iyo Heer Degmo ay halkaa ku soo dhaweeyeen.
Kadib kasoo noqoshadii Qabridahare, waxa uu Madaxwaynaha iyo Waftigiisii kusoo noqdeen dhankaa iyo Magaalada Qabribayax iyaga oo baryay(Seexday) xalay isla magaalada Qabribayax, Waxay sidoo kale Maanta kulan balaadhan oo wadatashi ah kula yeeshay Hoolka Shirarka ee Magaalada Qabribayax Odoyaasha Dhaqanka,Waxgaradka, Culimada iyo Qaybaha kale ee Bulshada iyadoona ay isla falanqeeyeen Arimo fara badan oo Doora oo ay ugu horeyso  Dhinacyada Horumarka, Nabad galyada, Maalgashiga iyo Maamulka Suuban, waxay kale oo ay kawada hadleen  sidoo kalana sidii loo xoojin lahaa Horumarinta Maamulka Magaalada Qabribayax Dhinacyada Mashaariicaha Horumarined,Bilicda Magaalada iyo sidii Fursado Shaqo loogu abuuri lahaa Qaybaha Bulshada, gaba gabadiina waxay Duhurkii maanta waftiga Madaxweyne Abdi Mahamoud Omer kasoo baqooleen Magaalada Qabribayax waxayna Kusoo Guryo Noqdeen Caasimada Dawlada Deegaanka Somalida ee Jijiga.


Mar walba kala soco Wixi war ah ee kajira deegaanak halkan. 
https://www.youtube.com/user/Qabribayaxnewstimes
https://www.facebook.com/Kebribayah.development.Community

Sunday, March 16, 2014

Roobkii Gugga oo ka Curtay Dhamaan Gobolada iyo Degmaamada DDSI

(Qabribayax) 15-Mar-2014, Waxaa Dhamaanba dhulka hoosyimada Dawlada Deegaanka Somaalida Itoobiya si wacan uga Curtay Roobabkii Gugga, Magaalooyinka ay ka curteen roobabkaa waxa kamid ah sida Jijiga, Qabribayax, Araarso, Dhagaxbuur, Xarshin, Harta sheekha iyo Magaalooyin kale oo tiro badan, Roobabkaas oo qaar kood ay ahaayeen Mahiigaan, dhulka qaarna ku ahaa Biyo Dhig fiican, dhulka qaarkiisna ay kada’een roobab baliyada iyo Barkadahaba buuxiyay.



Roobabkaas oo ah kuwa da’aya ama day wakhtigii caadiga ahaa ee ay di’ jireen bisha Mars ayaa waxa ay dadka kasoo jeeda DDSI oo u badan dad beeralay ah ay imika bilaabi doonaan in ay qotaan beerihii iyaga oo qaar kood maal mihii ugu danbeeysay ay kujireen u diyaar gorowga qodashada beeraha iyaga oo badankoodu samaynayey caro rogaalkii si ay u sii jilciyaan dhulka ay ka qodayaan beerta, si dallag badan uga soo go’ marka lagaadho wakhtiga beerta lajarayo.
 Sida darteed, Roobabkan gu'ga ah ee curtay ayaa lagu rajo wayn yahay in ay sanadkan noqon doonaan roobab ku filan.

Kala soco wixii akhbaar ah ee kasoo kordho deegaanka marwlba
Qabribayax news times.

Saturday, March 8, 2014

Magaalada Qabribayax oo Biyo La'aan ba'an hayso, Foostaduna maryso 80 Birr

(Qabribayax) 08-Mar-2014, Magaalada Qabribayax ee Gobal ahaan hoos tagta Gobolka Faafan ee magaala madaxdiisu tahay Magaalada Jigjiga ee Dawlad Deeganka Somalida Itoobiya, ayaa waxaa soo daristay Biyo la'aan ba'an oo run ahaantii gaadhay in Foostada biyaha ah ay gaadho in lagu waayo qiimo dhan 80 Birr mararka qaarna ayba gaadho 100 Birr.

Magaalada Qabribayax oo awal biyaha ka heli jirtay Ceelka Qaaxo, ayaa lagu soo waramaya in ay cilad ku timid Miishiinada Ceelka yaalay, iyada oo ay Dawlada Deeganaka Somalida Itoobiya ay maamulka ceelka Qaaxo horey ugu wareejisay Hay'ada qaabilsan Qaxootiga dagan magaalada Qabribayax ee Magaceeda marka lasoo gaabiyo layidhaahdo, AARA. Cilada kutimid Mishiinada Biyaha ku soo tuuri jiray Haantii waynayd ee Taalay Wakaalda Biyaha ee Magaalada Qabribayax ayaa ilaa iyo imika aan la hagaajin.

Wakhtigu lagu jiraa waa Jilaal dabayaaqadii oo dhawr iyo toban cisho ayaa jiilaal kahadhay, sida dadka qaarna u yaqaanan waa KALIIL, sida lagawada dharagsanayahayna waxa xila jiilaalka ay dadka ku dhaqan miyiga hoos yimaada deegaanka qabribayax ay kacabaan iyaga iyo xoolohooduba Barkadaha iyo Qasabadaha kuyaala Gudaha magaalada qabribayax, arintaasna imika majirto maxa yeelay xoolo iskadaaye dadkii ayaaba waxayna haysan waxay cunto iyo cabid kadhigtaan.

Sida naga soo gaadhaysa, dadka ku dhaqan qabribayax iyo deegaanada hoos yimaada waxa kasoo yeedhayso cabasho badan iyo codsi ay u dirayaan Madaxweynaha DDSI Mudane: Abdi Mahamoud Omer, iyaga oo kacodsanaya in uu kasoo gaadho biyo la'aantan soo wajahday.

Waxa jira dadaalo badan oo ay wadaan maamulka ka arimiya Magaalada Qabribayax, oo uu ugu horeeyo Duqa Magaalada Qabribayax Mudane: Abdifatah Bashir Abdirahman & xubno kale oo kamid ah madaxda Degmada Qabribayax.

Waxii Faafaahin ee dheer ah kala soco:
http://qabribayaxnewstimes.blogspot.com/