(Qabribayax) 08-Mar-2014, Magaalada Qabribayax ee Gobal ahaan hoos tagta Gobolka Faafan ee magaala madaxdiisu tahay Magaalada Jigjiga ee Dawlad Deeganka Somalida Itoobiya, ayaa waxaa soo daristay Biyo la'aan ba'an oo run ahaantii gaadhay in Foostada biyaha ah ay gaadho in lagu waayo qiimo dhan 80 Birr mararka qaarna ayba gaadho 100 Birr.
Magaalada Qabribayax oo awal biyaha ka heli jirtay Ceelka Qaaxo, ayaa lagu soo waramaya in ay cilad ku timid Miishiinada Ceelka yaalay, iyada oo ay Dawlada Deeganaka Somalida Itoobiya ay maamulka ceelka Qaaxo horey ugu wareejisay Hay'ada qaabilsan Qaxootiga dagan magaalada Qabribayax ee Magaceeda marka lasoo gaabiyo layidhaahdo, AARA. Cilada kutimid Mishiinada Biyaha ku soo tuuri jiray Haantii waynayd ee Taalay Wakaalda Biyaha ee Magaalada Qabribayax ayaa ilaa iyo imika aan la hagaajin.
Wakhtigu lagu jiraa waa Jilaal dabayaaqadii oo dhawr iyo toban cisho ayaa jiilaal kahadhay, sida dadka qaarna u yaqaanan waa KALIIL, sida lagawada dharagsanayahayna waxa xila jiilaalka ay dadka ku dhaqan miyiga hoos yimaada deegaanka qabribayax ay kacabaan iyaga iyo xoolohooduba Barkadaha iyo Qasabadaha kuyaala Gudaha magaalada qabribayax, arintaasna imika majirto maxa yeelay xoolo iskadaaye dadkii ayaaba waxayna haysan waxay cunto iyo cabid kadhigtaan.
Sida naga soo gaadhaysa, dadka ku dhaqan qabribayax iyo deegaanada hoos yimaada waxa kasoo yeedhayso cabasho badan iyo codsi ay u dirayaan Madaxweynaha DDSI Mudane: Abdi Mahamoud Omer, iyaga oo kacodsanaya in uu kasoo gaadho biyo la'aantan soo wajahday.
Waxa jira dadaalo badan oo ay wadaan maamulka ka arimiya Magaalada Qabribayax, oo uu ugu horeeyo Duqa Magaalada Qabribayax Mudane: Abdifatah Bashir Abdirahman & xubno kale oo kamid ah madaxda Degmada Qabribayax.
Waxii Faafaahin ee dheer ah kala soco:
http://qabribayaxnewstimes.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment