Qabribayax
(QBNT) 17-Mar-2014 Madaxwaynaha DDSI Mudane
Cabdi Maxamuud Cumar oo ay Masuuliyiin Heer Deegaan ah ay wahelinayaan ayaa Xalay ilaa Saaka ku sugnaa Magaalada Qabribayax,
iyaga oo kayimid dhankaa iyo Gobolka Jarar iyo Magaala madaxdiisa ee
Qabridahare, Socdaalkan oo ahaa mid hawleed oo ay ku tegeen waftiga balaadhan
halkaa iyadoona ay Halkaa Qaybaha Shacabka iyo Maamulada Heer Gobol, Magaalo
iyo Heer Degmo ay halkaa ku soo dhaweeyeen.
Kadib kasoo noqoshadii Qabridahare, waxa uu Madaxwaynaha
iyo Waftigiisii kusoo noqdeen dhankaa iyo Magaalada Qabribayax iyaga oo
baryay(Seexday) xalay isla magaalada Qabribayax, Waxay sidoo kale Maanta kulan
balaadhan oo wadatashi ah kula yeeshay Hoolka Shirarka ee Magaalada Qabribayax
Odoyaasha Dhaqanka,Waxgaradka, Culimada iyo Qaybaha kale ee Bulshada iyadoona ay
isla falanqeeyeen Arimo fara badan oo Doora oo ay ugu horeyso Dhinacyada Horumarka, Nabad galyada, Maalgashiga
iyo Maamulka Suuban, waxay kale oo ay kawada hadleen sidoo kalana sidii loo xoojin lahaa
Horumarinta Maamulka Magaalada Qabribayax Dhinacyada Mashaariicaha
Horumarined,Bilicda Magaalada iyo sidii Fursado Shaqo loogu abuuri lahaa
Qaybaha Bulshada, gaba gabadiina waxay Duhurkii maanta waftiga Madaxweyne Abdi
Mahamoud Omer kasoo baqooleen Magaalada Qabribayax waxayna Kusoo Guryo Noqdeen
Caasimada Dawlada Deegaanka Somalida ee Jijiga.
Mar walba kala soco Wixi war ah ee kajira
deegaanak halkan.
https://www.youtube.com/user/Qabribayaxnewstimes
https://www.facebook.com/Kebribayah.development.Community
No comments:
Post a Comment