Monday, March 24, 2014

Sheekh Maxamed Umal oo si Balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Qabri-Bayax

(Qabribayax) 23-03-2014 Waxa Magaalada Qabribayax ee katirsan Gobolka Faafan loogu soo dhaweeyey si heer sare ah wafti balaadhan oo u badnaa Culimo oo uu horkacayey Sheekha Caanka ka ah dhulka ay dagto Somalidu waa (Sheekh Maxamed Cabdi Umal) oo socdaal dacwad ah ku joogay magaalada Jigjiga ayaa galabta si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Qabri-Bayax  waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Culimada ,Ducaada ,Waxgaradka , Dhalinyarta iyo dadweyne aad u tiro badan.





Soo dhawaynta Sheekha kadib markii lagu casuumay Qado sharaf waxa uu Sheekh Maxamed Cabdi Umal salaadii casar ka dib waxa uu Muxaadaro dhinacyo badan taabanaysa kajeediyey Masjidka Jaamica magaalada  Qabri-Bayax, Waxaana Muxaadaradaa kasoo qaybgalay oo soo camiray dadweyne aad u tiro badan oo u badan dhalinyaro iyo odayaalba.
Waftiga Culimada ah ee uu hormuudka u ahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo wafdi culuma ah oo ka soo raacay magaalada Jigjiga ayaa waxa ay dadweynaha iyo culumada kasoo jeeda Degmada Qabri-bayax uga hortageen oo ku soo dhaweyeen Sheekha meel u jirta 10 km magaalada  Qabri-Bayax dhanka Waqooyi.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu muxaadaradiisaa uga hadlay uuna aad u bal balaadhiyey Fadliga Imaanku leeyahay iyo qeybahiisa  kala duwan wuxuuna sheekhu ugu danbeyntii salaadii maqrib ka dib ka jawaabay Su,aalo kala duwan oo ay halkaa ku waydiiyeen dadwyanihii kasoo qayb galay.
 Marwalba lasoco waribxino iyo Maqaalo tifaftiran oo run ahaantii idin soo jiidan doona.
https://www.youtube.com/user/Qabribayaxnewstimes
https://www.facebook.com/Kebribayah.development.Community

1 comment:

  1. MANSHA ALLAH WAANU SOO DHAWAYNAYNA SHEEKHA IYO CULIMADA KALEBA

    ReplyDelete