War Dag dag ah:
(Qabribayax) Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 07/Mar/2014, waxa magaalada Qabribayax lagu soo dhaweeyey maxaabiis gadhaysa 8 maxbuus oo dhaman kasoo jeeda Beesha Jidwaaq kuwaas oo uu ugu cad cadaaa ninka aadka loo yaqaano ahna Wakiilka Shirkada Xawaalada Dahabshiil ee Magaalada Qabribayax Mudane: Abdilaahi African. Ragaas oo in mudo ah ku xidhnaa Jeelka Dhexe ee Magaalada Jigjiga, Maxaabiistan oo loo haystay danbiyo kadhan ah Madaxweynaha DDSI, Mudane: Abdi Mahamoud Omer ayaa lagu soo waramaya in lagu soo daayey Cafis uu u fidiyey Madaxweyne AMC kadib markay Mudo kusoo qaateen Jeelka magaalada Jigjiga taas oo ay aad u soo dhaweeyeen Dadwaynaha ku dhaqan deegaanada ay dagaan Beelwaynta Jidwaaq, dhacdaas oo tusaale u ah in Maamulka Dawlad Deeganaka Somalida Itoobiya ay kajawaabeen cabashooyinkii ay Beelwaynta Jidwaaq ay tabanaysay qayb kamid ah oo ay ahayd in lasoo daayo raga xidh xidhan ragan xidh-xidhnaana ee ooda laga soo qaadayna ay tahay wajiga koobaad ee xalinta tabashooyinkaas.
Wixii Faah-faahin ee dheeraad ahna kala soco.
Qabribayax News Times
www.http:qabribayaxnewstimes.blogspot.com
No comments:
Post a Comment