Thursday, February 6, 2014

TAARIIKHDII GARAAD MAXAMUD GARAD DOOL GARAD XIRSI ALLE HA U NAXARIISTEE

Garad Maxamud Garad Dool

Taarikhda garaadka o kooban , {Garaad maxamud Garaad dool Garaad xirsi } Garaadku Wuxu ku dhashay magalada jigjiga taarikhda markay ehayd 1946 dhanka waxbarasho e garadku quraanka Kariimka ah wuxu ku bartay madarasada macalin axmed dugsiga hose wuxu ku qaatay magalada jigjiga dugsiga dhexe iyo kan sare wuxu ku qaatay { Qidhme Hela Salasse} E ku yaala magalada adis ababa taarikhdu markay ehayd 1969 waxbarashada jamacaded wuxu ku qatay jamacada { Kotobe } e ku taala magalada adis ababa , Alaha u naxariiste garaadku wuxu shaqadisi ugu horaysay bilabay 1970 isago jagooyin kala duwan kaso qabtay gobolo ka mid ah deegaanka somalida sida Gobolka Nogob , degmoyinka Xamaro iyo mayamulukho mudadi u dhaxaysay 1970 ila 1973 wuxu sido kale shaqoyin kala duwan kaso qabtay gobolka Faafan , Jarar iyo Doolo mudadi u dhaxaysay 1974 ila 1976 kadibna garaadku isago udulqadan wayey cadaadiski iyo gumaysigi kali taliska aha e dhargiga u ku hayey shacabka deegaanka ayu sida bulsha waynta deeganka ayu qayb kamid ah nolashiisi ku qaatay dalka soomaliya isago uga si gudbay dalalka { Yeman , Saudi Arabia iyo Dalka Emaratka Carabta } taarikhdu markay ehayd 1977 ila 1981 kadibna garaadku wuxu dalkiisa hooyo dib ugu so laabtay taariikhdu markay ehayd 1991 isago xubin xildhibaan ah ka noqday golaha ugu horeeya e barlamaanka degmada jigjiga wuxuna ka mid noqday gudiga fulinta degmada e xiligaa isago so qabtay xilka gudomiye ku xigeenka kaso qabtay degmada jigjiga muda dhan 3 sano wuxuna garaadku xubin lixaad leh kaqatay Aasaaski dhismaha dowladnimo e deegaanka wuxuna baal dahab ah ka galay heshiiski labada xisbi e {LEGADA} iyo { ONLF } e u ka curtay Xisbiga Dimuqradiga Shacabka Somalida Itoobiya e maanta talada haya hadaba markay taariikhdu ahayd 1997 ayey geeri alle ku timid { Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Xirsi } Alaha u naxariiste halkana loogu caleen saaray {Garaad maxamud Garaad Dool Garaad Xirsi } iyado la raacayo hido dhaqamaydki so jireenka aha e beesha {Absame} iyo adeerkood ama beesha {Kuumade} aya mar labad waxa lo caleema saaray Alaha u naxariiste {Garaad Maxamud Garaad Dool Garaad Xirsi} alaha u naxariiste garaadka guud e beesha {Kuumade} sandku marku ah 2009 magalada {Birkhod} taaso dib uso noolaysay qaab dhaqamaydki iyo xeer beegsi beesha {Kuumade} Alaha u Naxariite Garaadku wuxu ifka kaga tagay 1 gabadha iyo 4 wiil Hadaba Aaska qaran e Garaadku waxay Astaan utahay beesha {Kuumade} iyo adeerkood meel kasta o ay joogaan hadaba mar labaad alaha u naxariisto { Garaad Maxamud Garaad Dool Garaad Xirsi } Aamiin
By: Jaale Xaaji

Qabribayax News Times










Graad Maxamud Garad Dool

No comments:

Post a Comment